Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta oo Axad ah la filayaa in ay tagaan magaalada Dhuusamareeb si ay uga qeybgalaan wejiga labaad ee shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa horey halkaas u gaaray.