Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo isku raacay heshiis lagu joojinayo colaada Gaalkacyo

Puntland Mirror
1 Min Read

leaders
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug. [Graphic: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo kan Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa khadka taleefoonka uga wada-hadlay shalay oo Axad ahayd xaalada magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Labada madaxweyne ayaa isku raacay in la sameeyo xabada joojin deg deg ah, sida ilo-wareed ku dhow madaxweynaha Puntland ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Ilo-wareedka ayaan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku sabsaan wada-hadalka labada dhinac.

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay in ka badan 50 kalena waa lagu dhaawacay intii ay socdeen isku-dhacyo u dhaxeeyay ciidamo kala taageersan Puntland iyo Galmudug oo ka dhacay Gaalkacyo.

Ku dhawaad 50,000 oo dadka deegaanka ah ayaa ka cararay guryahooda tan iyo markii uu qarxay dagaalka Gaalkacyo bishaan Oktoobar ee sanadkan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Share This Article
Follow:
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *