Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii la dagaalanka burcadbadeeda ee Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir sidoo kale loogu yeero “Ducaysane”, sida ay tilmaamayso digreeto kasoo baxday madaxtooyada oo ku taariikhaysan 19-ka Maarso, 2017-ka, sida uu arkay warsidaha Puntland Mirror.
Xil ka qaadista ayaa timid hal asbuuc kadib markii burcadbadeeda Soomaaliya ay afduubteen markabkii kowaad oo ganacsi muddo shan sanno ah, inkastoo maalmo kadib ay sii daayeen.
Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa ahaa agaasimiha la dagaalanka burcadbadeeda ee Puntland tan iyo sanadkii 2009-kii.