
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa magacaabay agaasime ku-xigeenka nabadsugida Puntland.
Digreetada Madaxweynaha oo ku taarikhaysnayd 30 July, 2016, ayaa lagu magacaabay Cabdinuur Maxamed Diiriye agaasime ku-xigeenka nabadsugida dowlada Puntland.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Xaashi Aadan Cilmi u magacaabay taliyaha nabadsugida gobolka Mudug, sida ku qoran digreetada Madaxweynaha.