Cutubyo gaashaaman oo katirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo hordhac u ah wefdiga madaxweynaha.
Dhuusamareeb ayaa la filayaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya madaxweynayaasha Dowladda Xubnaha ka ah Federaalka. Shirka ayaa looga wadahadli doonaa arrimo muhiim ah oo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka soo socda.