Intii uu ku guda jiray safarkiisa, Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay safiirada shisheeye ee qaabilsan Soomaaliya oo ay kamidyihiin Mareykanka, UK, France, Sweden, iyo sidoo kale wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya.
Kulamada ayaa looga hadlay xaalada Puntland iyo tan guud ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha, mashaariicda iyo doorashooyinka dalka ku soo fool leh, sida ay ilo-wareedyo dowladda katirsan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.