Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah isku shaandayn yar ku sameeyay golaha wasiiradda soo socda:
Liiska ayaa u qornaa sidaan:
- Cabdiraxmaan Barkhad Warsame, Wasaaradda Warfaafinta.
- Cabdikhadar Faarax Shaaciye, Wasiirka Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland.
- Maxamuud Faarax Beeldaaje, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
- Yaasiin Cabdi Seed, Wasiir Dowlaha Wasaardada Waxbarashada.
- Cabdirashiid Cali Geele, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga
- Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
- Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.
- Aamina Maxamed Cabdulaahi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
- Cabdiweli Maxamed Yuusuf, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.
Sida ku qoran liiska cusub ee wasiiradda, keliya hal wasaarad oo cusub ayaa kusoo biirtay dowladda, taasina waa Wasaaradda Dib u Dhiska iyo Horumarinta Puntland.
Tani waa isku shaandhayntii labaad oo uu Madaxweynuhu sameeyo tan iyo markii uu xilka qabtay bishii Janaayo sanadkii 2014-kii.