Digreetada isku shaandeynta ah ee kasoo baxday xafiiska madaxtooyada maanta oo Khamiis ah ayaa saameyn ku yeelatay agaasimeyaal muddo dheer shaqeynayay.
Isku shaandeynta ayaa u qorneyd sidaan soo socota:
- Waxaa Cabdirisaaq Xassan Faarax loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda cadaaladda, Diinta iyo Dhaqancelinta.
- Waxaa Maxamuud Axmed Saalax loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka.
- Waxaa Mahad Colaad Maxamed loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
- Waxaa Cabdicasiis Siciid Bootaan loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
- Waxaa Xassan Shire Abgaal loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.
- Waxaa Cabdi Axmed Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
- Waxaa Axmed Cali Gargaar loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose.
- Waxaa Axmed Xariir Gaas loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska.
- Waxaa Cabdifataax Cali Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda.
- Waxaa Faarax Maxile Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.
- Waxaa Yaasiin Axmed Rooble loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyaqdda ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
- Waxaa Cabdirisaaq Jaamac Nuur loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Ciyaaraha.
- Waxaa Maxamed Abshir Jaamac loo magacaabay Agaasimaha waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
- Waxaa Cabdi Cali Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.
- Waxaa Siciid Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Amniga.