Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kamid ah marti sharafka ka qaybgalaysa shirka.
Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa khayraadka dabiiciga ah ee Afrika, sida ay wararku sheegayaan.
Madaxweyne Cabdiweli ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeedin doono inta lagu guda jiro labada maalmood oo uu shirku socdo.