Dad fara badan ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada Laascaanood iyaga kaga soo horjeeda dagaalka ka socda Tukaraq iyo haysashada ay Soomaaliland haysato deegaano ka mid ah gobolka Sool. Mudaharaadka waxaa ka qaybgalay boqolaal qof oo muddo dheer u adkeysaneyey cadaadiska iyo caburinta ay Soomaaliland ku hayso shacabka gobolka Sool. Waxay mudaharaadayaashu dalbanayeen in Soomaaliland kala baxdo ciidankeeda gobolka Sool.
Ilo ay Puntland Mirror soo xigatay oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan laba qof iyo dhaawaca ilaa sideed qof. Dad ku dhow illaa 64 qof ayaa la sheegay in la xirxiray oo loo qaaday xabsiyo meelo ka baxsan gobolka Sool, dadkaas oo u badnaa dumar iyo caruur. Dadka halkaas sida arxan darada loogu diley waxaa ka mid ahayd haweeney lagu magacaabo Cambaro Siciid. Waxaa lagu soo waramayaa in amarka weerarkaas dadka sida aan kala sooca lahayn rasaasta loola dhacay uu bixiyey guddoomiyaha gobolka Sool, mudane Cabdi Khayre Dirir.
Waxaa kale oo lagu eedeynayaa Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Michael Keating oo isaguna u dhashay dalkaas Britain inuusan ka qaadan hogaamin muuqata iyo dhexdhexaadin adag oo aan eexasho lahayn dagaaladan. Warbixintii uu siiyey Qaramada Midoobey kuma uusan xusin in dagaaladan ay ka dhasheen gardarada ay Soomaaliland ku soo weerartay Puntland ee deegaanka Tukaraq.
Dad badan oo reer Puntland ah ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin weerarka dhiigu ku daatay ee loo geystey dadka shacabka aan hubaysnayn magaalada Laascaanood. Waxay dalbanayaan baaritaan degdeg ah oo madax banaan in lagu sameeyo weeraradan arxan darada ah ee lagu hayo shacabka iyo ku xadgudubka qaawan ee xuquuqul insaanka shacabka gobolka Sool.