Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo ka tacsiyeeyay geerida Janaraal Maxamed Cali Samatar

Abdiweli Mohamed Ali
Madaxweynaha dowlada Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ee uu ka geeriyooday Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Maxamed Cali Samatar inuu ahaa shaqsi ku weyn ummada Soomaaliyeed isla markaana shaqo weyn oo waxtar leh ummada Soomaaliyeed u soo qabtay mudadii uu xilalka sare kasoo qabtay dalka.

“Inaa lilaahi waa innaa ilayhi raajicuun, waxaan uga tacsiyeynayaa guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii, qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Cali Samatar oo ahaa shaqsi ku weyn ummada Soomaaliyeed, wax weyna u soo qabtay mudadii uu xilalka kala duwan u hayay ummada.” Sidaa ayuu bayaan ku yiri Madaxweyne Cabdiweli.

Maxamed Cali Samatar oo xilal badan kasoo qabtay dowladii kacaanka ahayd ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ayaa ku geeriyooday xalay oo Sabti ahayd gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Janaraal Samatar ayaa dalka kasoo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeenka 1-aad, Raysulwasaare, iyo Wasiirka Gaashaandhiga xilligii dowladii kacaanka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*