
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamo katirsan Puntland ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar Al-Shabaab oo ka dhacay buuraha Galgala maanta oo Axad ah.
Ilo-wareed dhanka ammaanka ah ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in labo askari oo katirsan ciidanka Puntland la dilay kadib markii dagaalyahano ka socda Al-Shabaab ay weerar ku qaadan goob ciidan oo kutaala buuraha Galgala ee gobolka Bari.
Tobonaan ciidamo ah oo Puntland ah ayaa lagu dilay buuraha Galgala intii u dhaxaysay June iyo September saddex weerar oo kala duwan gudahood oo ay qaadeen Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa joogtay buuraha Galgala ee Puntland tan iyo sanadkii 2010, waxayna qaaday weeraro badan oo dhimasho leh oo ka dhan ah ciidanka Puntland.