Kooxda Dowladda Islaamiga ah ee ISIS ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay sheegtay wakaalada Amaq ee ku hadasha afka ISIS.
Weerarka ayaa lala eegtay xujay shiico ah kuwaasoo ku sii jeeday magaalada Shiicada ee Kerbala ee dalka Ciraaq kana soo noqday dalka Iran, halkaas oo ay kusoo xuseen Arbaciin, oo ah maalinta 40-tanaad ee xuska dilkii Imaam Xusessn, oo ahaa wiil uu awoowe u ahaa Nabi Maxamed (Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee).