Weerarka ayaa ka dhacay Afgooye, oo ah magaalo beereed 30 kiilo mitir dhanka waqooyi-bari ka xigta Muqdisho, sida lagu sheegay warbixinta Reuters.
Waxaa jira khasaare ka dhashay weerarka, laakiin tirada saxda ah weli ma cada.
Sida ay ku warameen warbaahinta taageerta Al-Shabaab, maleeshiyada ayaa sheegtay in ay iyagu qaadeen weerarka, waxayna intaas ku dareen in ay dhowr askari ku dileen qaraxa, balse maahan mid si madax-banaan loo xaqiijin karo.
Kolonyada weerarka lala beegsaday ayaa ahaa ciidamada Soomaaliya ee uu Mareykanku tababaro.