![Jubbaland oo ciidamo u dirtay deegaano ay Al-Shabaab kula dirirtay dad xoolo dhaqato ah. [Sawirka: Puntlandi]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2016/12/Untitled-2.jpg)
Jubbaland oo ciidamo u dirtay deegaano ay Al-Shabaab kula dirirtay dad xoolo dhaqato ah. [Xuquuqda Sawirka: Puntlandi]
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam sidoo kale ah taliyaha ciidamada Jubbaland ayaa amar ku bixiyay in cutubyo ciidamo ah loo diro galbeedka gobolka Jubbada Hoose si ay u garab istaagaan dadka shacabka ah ee maleeshiyada dagaalka kula jira.
Dagaal culus oo u dhaxeeyay dad xoolo dhaqato ah iyo Al-Shabaab ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacay galbeedka gobolka Jubbada Hoose, dagaalka ayaa qarxay kadib markii ay Al-Shabaab dadka ku khasbeen in ay Sako ahaan u bixiyaan xoolo tiro badan.
Dagaladaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo toban qof oo labada dhinac oo dirirtu dhexmartay ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaamada ay maamulaan mar walba ku khasba in ay sako ahaan u bixiyaan xoolo tiro badan.
