Jawaari oo iska iscasilay afhayeenka baarlamaanka

Puntland Mirror
1 Min Read
Mohamed Sheikh Osman Jawaari. [File Photo]

Maxamed Shiikh Cumaan Jawaari. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Afhayeenkii baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa iscasilay maanta oo Isniin ah, ku xigeenka afhayeenka Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa xildhibaanada u sheegay.

Xildhibaanada ayay u qorsheysneyd in ay kulan ku yeeshaan Muqdisho Isniinta si ay ugu codeeyaan mooshinka ka dhanka ah afhayeenka.

Maalmihii lasoo dhaafay khilaaf xoogan ayaa ka dhexjiray baarlamaanka iyo xukuumadda kadib markii qaar katirsan golaha baarlamaanka oo u badan wasiiro ay keeneen mooshin lagu ceyrinayo Jawaari.

Khilaafka oo muddo bil ka badan jiray, ayaa dib u dhac ku keenay howlihii shaqo ee dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Jawaari oo 72-sanno jir ah ayaa xafiiska joogay tan iyo sanadkii 2012-kii.

Si kastoo ay ahaataba, iscasilaadiisa ayaa la filayaa in ay soo afjarto ismariwaaga siyaasadeed ee ka dhexjiray dowladda.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *