Balanqaadka ayaa waxaa sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Jarmalka Sigmar Gabriel oo maanta oo Isniin ah safar ku yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
“Waxaanu diyaar u nahay in aan bixino lacagtaas dhan 70-ka milyan oo aan ugu deeqnay Soomaaliya.” Ayuu yiri Sigmar Gabriel oo kulan la yeeshay Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.