Weli ma jiraan faahfaahino deg-deg ah oo ku saabsan khasaraaha ka dhashay isku dhacaas.
Talaadadii, isku dhac kale oo u dhaxeeyay ciidamada labada maamul ayaa ka dhacay magaalo xeebeedka Laasqoray ee gobolka Sanaag. Waxaana la sheegay in hal qof uu ku dhintay.
Sababta keentay isku dhaca maanta si buuxda looma oga balse ilo-wareedyada ayaa sheegaya in rasaastu bilaabmatay kadib markii ciidamo katirsan maamulka Somaliland oo aagaas saldhig ku lahaa ay soo durkeen.
Puntland ayaa bilihii u dambeeyay awood weyn ku yeelatay waqooyiga gobolka Sanaag, kadib markii ay la wareegtay dhammaan ciidamadii deegaankaas u dhashay oo horey uga mid ahaa maamulka Somaliland.