Hoggaamiyihii ISIS ee dunida oo loo malaynayo in lagu dilay duqayn Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya

Cabdulqaadir Muumin. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Maraykanka ayaa bartilmaameedsaday hoggaamiyaha ISIS ee dunida kadib duqayn ka dhacday dabayaaqada bishii hore gudaha Soomaaliya balse lama xaqiijin in uu ku dhintay weerarka, sida uu tabiyay TV-ka NBC oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah.

Cabdulqaadir Muumin ayaa ahaa hoggaamiyaha ISIS ee Soomaaliya, balse Maraykanka ayaa sheegay in uu sidoo kale noqday hoggaamiyaha ISIS ee dunida.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) 31-dii May ayay ku sheegeen in duqayn dhanka cirka ah oo ka dhan ah ISIS ay ka sameeyeen deegaan miyi ah oo 81 kiilomitir dhanka koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso. Duqaynta ayaa waxaa lagu dilay saddex maleeshiyo oo ISIS ah. 

Maraykanku weli ma aysan sheegin in Muumin uu ahaa bartilmaameedka howlgalkaas, iyadoo sidoo kale aan xaqiijin karin dhimashadiisa.

Sargaal sare oo Maraykan ah ayaa xaqiijiyay in duqaynta uu Maraykanku qaaday lala eegtay hoggaamiye sare oo ISIS katirsan, balse waxa uu ka gaabsaday in uu sheego magaca qofkaas waxaana uu yiri Maraykanku weli waxay xaqiijinayaan natiijada.

Saraakiisha difaaca Maraykanka ayaa sheegaya in ISIS-ta joogta Soomaaliya ay tahay mid yar, iyadoo haysata qiyaastii 100 ilaa 200 oo dagaalyahan, intooda badana ay joogaan deegaanada Puntland ee waqooyiga Soomaaliya, balse sidoo kale xoogaa yar oo koox ISIS ah ay kala joogaan qaybo kamid ah Afrika, oo ay kamidyihiin Liibya, Jamhuuriyada Dimuqaardiga Koonko iyo Mozambique.

Maraykanka ayaa sheegaya in Muumin uu masuul ka ahaa weeraro dhimasho leh oo ka dhacay Soomaaliya oo dhan 10-kii sanno ee la soo dhaafay, oo ay kamidyihiin khaarajino loo geystay masuuliyiin katirsan haayadaha Puntland.

Sanadkii 2016-kii, Maraykanka ayaa Muumin ku daray liiska argagixisada aduunka, iyagoo sheegay in uu khatar ku yahay amniga Maraykanka, siyaasada arrimaha dibada iyo dhaqaalaha Marykanka.

Muumin ayaa la wareegay hoggaamiyaha ISIS ee dunada inkastoo aan si fiican looga war hayn arrintaas, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka. Isaga oo xilkaas kala wareegay Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi, kaasoo lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya dabayaaqadii 2022. Labadaas waxaa ka horeeyay oo ahaa hoggaamiyaha ISIS ee dunida Abu Bakr al-Baghdadi, kaasoo Maraykanku u uku dilay duqayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*