
Khartuum-(Puntland Mirror) Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay dadaalada dowladda Soomaaliya ay kula dagaalamayso Xarakada Al-Shabaab, waxaana ay sheegeen in ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kadib shirkii 48-aad ee Golaha Wasiirada IGAD oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
“Waxaan soo dhaweynay dadaallada ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada, waxaana u muujinnay garab istaag dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay kulanka.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay oo Soomaaliya ku matalayay wasiirka arrimaha dibada Abshir Cumar Huruuse.