Ganacsade caan ah oo la oran jiray Cabdikariim Maxamed Faarax Dhagoweyne ayaa sidoo kale ku dhintay isku dhaca, sida ilo-wareedyo haayadaha amaanka katirsan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.
Labo qof oo kale oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay.
Lama oga sababta keentay isku dhaca khasaaruhu uu ka dhashay. Waxaana uu imaanayaa iyada oo baarlamaanka Puntland ay galeen muddo saddex beri oo fasax ah.
Waxaa jiray warar sheegaya in khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo guddoomiyaha baarlamaanka Cabdixakiin Dhoobo-daareed iyo madaxtooyada.