Garoowe-(Puntland Mirror) Haayada SSF ayaa afar gaari oo nooca booliiska ku qaadaan maxaabiista ku wareejisay dowlada Puntland.
Munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyada maanta oo Sabti ah ayaa Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland ka guddoomay gawaarida masuuliyiinta haayada SSF.
Afarta gaari oo ay maalgelisay haayada SSF ayaa waxaa loogu deeqay afar degmo oo kuyaala Puntland, kuwaasoo kala ah, Dan-gorayo, Xarfo, Godob-jiiraan iyo Isku-shuban.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camay ayaa uga mahadceshay haayada SSF gawaarida ay dowlada guddoonsiisay, Camay ayaa sheegay in gaadiidkan uu qayb weyn ka qaadan doono dadaalka ay dowladu ugu jirto sidii loo xaqiijin lahaa amaanka guud ee magaalooyinka Puntland.
Haayada SSF oo taageero ka helaysa deeq-bixiyeyaal badan oo caalami ah ayaa deegaanada Puntland waxay ka fuliyeen mashaariic waa-weyn oo ay kamidyihiin layrarka cadceeda ku shaqeeya oo ay ka hirgaliyeen magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.