Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa saakay oo Sabti ah ku geeriyooday magaalada Garoowe, sida eheladiisa iyo ilo-wareedyo katirsan baarlamaanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.
Cabdirashiid ayaa maalmihii u dambeeyay xanuunsanayay, sida ilo-wareedyadu sheegeen.
Waxa uu soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Puntland intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2013.
Sidoo kale Cabdirashiid ayaa soo qabtay wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka iyo wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda xilligii maamulkii Cabdiweli Maxamed Cali.