Guddoomiyaha ayaa nin isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay xilli uu ka baxayay xafiiskiisa Gaalkacyo, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Ilaa iyo labbo kamid ah ilaaldiisa ayaa ku geeriyootay weerarka, ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay tabisay Idaacada Andalus oo taageerta maleeshiyada.