Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddii la xalin waayo caqabadaha dhinaca dhaqaalaha ah ee haysta guddiga doorashada ee heer Puntland ay joojin doonaan doorashada aqalka hoose ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in maalinta Isniinta ee asbuuca soo socda ay dib u bilaabmi doonto doorashada, isaga oo xusay in saddex xildhibaan doorashadooda la qaban doono maalintaas.
30-ka bishaan November ayaa qorshuhu ahaa in la doorto madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, balse taasi ma muuqato marka loo eego qaabka gaabiska ah ee ay u socoto hanaanka doorashada.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Cumar Maxamed Cabdulle oo loo yaqaan (Cumar Dhagey) oo saxaafada kula hadlay shalay oo Isniin ahayd magaalada Muqdishi ayaa ka hadlay xubnaha xildhibaanada aqalka hoose iyo aqalka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ee lasoo doortay.
Cumar Dhagey ayaa sheegay in ilaa iyo hadda lasoo doortay 155 xildhibaan oo labada aqal ka kooban oo 20 kamid ah ay yihiin haween.
Xubnaha aqalka hoose ee lasoo doortay ayuu sheegay guddoomiyaha in ay tiradoodu tahay ilaa iyo 112 xildhibaan halka aqalka sarena ay yihiin 43 xildhibaan.