Labada dhinac ayaa la sheegay in ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay kamidyihiin ammaanka, dhaqaalaha iyo xaaladaha kale ee gobolka ka jira.
Bishii June ee sanadkan markii Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo safar ku yimid Muqdisho, ayaa heshiiskii uu la saxiixday dowladda federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah sameynta guddi labada dhinac oo heer wasaaradeed ah kuwaasoo la sheegay in ay la socon doonaan miro dhalka heshiiskii la gaaray.