
Muqdisho-( Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay xalay fiidkii yeesheen waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2025-ka.
Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa lagu qiyaasay $1,342,476,311, taasoo ka dhigan inay korortay $263,160,528, oo u dhiganta 24.4% marka loo eego miisaaniyadii sannadkii hore, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysulwasaaraha.