Odoroska miisaaniyadda 2022 ee uu goluhu ansixiyay ayaa lagu qiyaasay $918.7 milyan kaasoo ka badan $200 milyan marka la barbardhigo odoroskii hore ee 2022 oo ay ansixiyeen baarlamaankii hore oo ahaa $699.1 milyan.
Kororka miisaaniyadda ayaa waxaa keenay kab miisaaniyadeed oo laga filayo haayadaha IMF iyo Bankiga Adduunka, taasoo aan ku jirin odoroskii hore ee 2022 sababtoo ah haayadahaan ayaa hakiyay kabkii bishii Janaayo 2021 kadib markii ay dhacday mudada xil-haynta ee xukuumaddii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.