Golaha wasiiradda ayaa intaas ku daray in Puntland ay ilaalinayso nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya, isla markaana aysan ogolaan doonin daandaansiga ka imaanaya maamulka Somaliland ee ku aadan xuduudaha dowladda Puntland.
Shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiiradda oo maanta oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa shir guddoominayay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.
Dhawaan, baarlamaanka Puntland ayaa dood dheer ay yeesheen ku sheegay in goboladaas aan la keeni karin sanaadiiqda doorashada Somaliland oo la filayo in ay dhacdo dabayaaqada bishaan November.