Golaha wasiiradda Puntland, oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa sheegay kadib shirkii Khamiista in “Somaliland aysan joogi doonin dhulka Puntland”.
Arrintan ayaa imaanaysa iyada oo uu sii kordhayo ismari-waaga milatari ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee gobolka Sool.
Ismariwaaga hadda jira ayaa bilaabmay, markii ciidamo hubeysan oo ka socda Somaliland ay la wareegeen tuulada Tukaraq ee gobolka Sool bishii Janaayo ee sanadkan, taasoo 80 kiilomitir dhanka waqooyi kaga beegan Garoowe.
Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, waxaa jiray dhowr dadaalo diblomaasiyadeed ah si loo dhammeeyo xiisada u dhaxeysa labada dhinac ee dariska ah, balse dhammaan waa ay fashilmeen.