Kulanka maanta oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin waxaa codsatay Britain, oo bishaan hoggaanka u haysa golaha, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo lagu naanayso Farmaajo ayaa wajahaya qalalaase hoggaamineed iyadoo muddo xileedkiisii dastuuriga ahaa uu dhammaaday Isniintii oo bishu ku beegnayd 8-da Febaraayo, 2021, aysana jirin heshiis ku saabsan doorashada.
Farmaajo iyo madaxweynayaasha shan dowlad goboleed ayaa heshiis gaaray bishii September kaasoo u gogol xaarayay doorasho dadban oo baarlamaan iyo madaxweyne oo la qabto dabayaaqada 2020 iyo horaanta 2021. Balse waxa uu noqday mid guuldareystay kadib khilaaf ka dhashay sida loo qabanayo codaynta, waxaana lagu kala tagay shirkii ugu dambeeyay ee Dhuusamareeb asbuucii lasoo dhaafay.