Bishii Febraayo 1977-dii, Fidel Castro ayaa 1000 ciidamo ah oo uu hoggaaminayay Janaraal Arnaldo Ochoa u soo diray Itoobiya si ay taageero uga geystaan dagaalkii ay kula jireen dariskooda Soomaaliya. Ciidamada ayaa u yimid gacansiinta hoggaamiyihii kaligii taliyaha ahaa ee Itoobiya Mengistu Haile Mariam si uu gacanta ugu dhigo gobolka Ogaadeeniya.
Sawirka hoose waxaa ka muuqda, Haile Mariam iyo Fidel Castro, xilliga sawirkaas waa kadib markii lagu jabiyay ciidamada Soomaaliya dagaalkii 1977.
“In badan oo Soomaali ah ayaa ku eedeeyay Fidel Castro in uu ciidamo gaaraya ilaa iyo 1000 askari u soo diray si ay u xoojiyaan ciidamada Itoobiya intii uu socday dagaalkii 1977-dii, taasoo burburisay rajadii Soomaali Weyn,” sidaa waxaa Puntland Mirror u sheegay Cabdiraxmaan Axmed oo ah macalin jaamacadeed.
“Siyaad Bare, waxaa uu kalsooni ku qabay awooda ciidamada milatariga Soomaaliya, taasoo ku dhiirigelisay in uu dagaal la galo Mengistu Haile Mariam, bilowgii horeba ciidamada Soomaaliya waxay dagaalka ka gaareen guul, waxayna gacanta ku dhigeen 90% gobolka Soomaali Galbeed,” ayuu ku daray ustaad Cabdiraxmaan.
Ugu dambayna Midowgii Soofidka ayaa dantu ku khasabtay in uu kala doorto labada xulufood, wuxuuna ka baxay Soomaaliya isaga oo doorbiday Itoobiya. Soofidka ayaa Itoobiya u tababaray 50,000, wuxuuna u soo diray qalab milatari.
Kadib markii la maqlay dhimashada Fidel Castro, Soomaalida iyo Itoobiyaanka ayaa warbaahinta bulshada ku sharaxay falceliskooda ku saabsan dhimashadiisa.
Falceliska Soomaalida
Falceliska Itoobiyaanka