Sahro ayaa la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay ku xanuunsaneyd gurigeeda kuyaala magaalada Hargeysa, waxay kamid ahayd kooxdii fanaaniinta Waaberi ee Soomaaliya.
D’adeeda ayaa la sheegay in ay ahayd 62-sanno jir.
Markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, waxay tagtay UK halkaas oo ay muddo ku nooleyd kahor inta aysan kusoo noqon Hargeysa.
Waxay lahayd cod gaar oo danana, waxayna ay aad ugu fiicneyn jiliinka iyada oo ka qeybgashay riwaayado badan. Heesaheedii kala duwanaa ayaa dad badan ku xasuusan doonaan.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa warbaahinta bulshada tacsi u marisay marxuumad Sahro Axmed.