Garoowe-(Puntland Mirror) Duufaan lagu magacaabo Pawan oo ka timid Badweynta Hindiya ayaa la sadaalinayaa in ay soo gaarto xeebaha waqooyi ee Soomaaliya maalmaha dhow ee soo socda.
Duufaanta oo wadata roobab mahiigaan ah ayaa sababi karta daadad ka dhaca waqooyiga Soomaaliya iyo qeybo kamid ah bariga dalka Itoobiya, sida ay sheegeen khuburada saadaasha cimilada.