Muqdisho-(Puntland Mirror) Dr Cali Ciise Cabdi oo ah dhaqaale-yaqaan Soomaaliyeed oo aad loo yaqaan ayaa ka digay in awooda iyo khayraadka dalka loo gacan geliyo hal qabiil ama hal gobol.
Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay xiisadaha ka dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo maamul goboleedyada Puntland, Khaatumo, iyo Jubaland ay keeneen in su’aalo badan la iska weydiiyo ujeeddooyinka ka dambeeya tallaabooyinka dowladda federaalka.
“Xiisadaha ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo mamuulada Puntland, Khaatumo, iyo Jubaland waxay walaac xooggan ku abuureen bulshada Soomaaliyeed. Inkasta oo sababaha dhabta ah ee colaaddan aan weli la shaacin, haddana waxay la jaanqaadayaan wada-xaajoodyada Madaxweyne Xasan Shiikh ee ku saabsan sahminta saliidda iyo khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaan heshiisyada lala galay Turkiga iyo dowlado kale,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in arrimahan ay abuureen tuhun ku saabsan in colaadda u dhexaysa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada loo adeegsanayo xeelad lagu leexinayo dareenka bulshada iyo madaxda gobollada si ay uga mashquulaan heshiisyada muhiimka ah ee lagu samaynayo mustaqbalka kheyraadka dalka.
Dr Cali Ciise Cabdi ayaa xusay in marka Soomaaliya ay sahaminayso saliiddeeda iyo khayraadkeeda dabiiciga ah in ay lagama maarmaan tahay in la hubiyo in faa’iidooyinka laga helo loo qaybiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. “Waa in laga fogaado nidaamyo hal dhinac awoodda siinaya, taasoo khatar ku noqon karta midnimada iyo federaalka dalka.”
“Khibradaha laga bartay waddamada ay hantida saliidda ku uruursan tahay gacmo kooban ayaa tusaale fiican u ah sida nidaamyadaas u horseedaan cadaalad darro iyo kala qaybsanaan. Waa halis haddii Soomaaliya ay noqoto dal uu hal qabiil yeesho kheyraadka, maadaama taasi ay si fudud u abuuri karto awood dhaqaale oo aan lala qaybsan karin. Hal dhinac oo gacanta ku dhiga faa’iidooyinka shidaalka wuxuu awooddaas u adeegsan karaa cabburinta maamul goboleedyada iyo shacabka kale.” Ayuu yiri.
Dhaqaale-yaqaanka ayaa kula taliyay Puntland, Jubbaland iyo Khaatumo in ay si buuxda uga hor yimaadaan qorshe kasta oo shidaal lagu sahaminayo haddii aan qaab cadaalad ku salaysan oo faa’iido u wada leh dadka Soomaaliyeed oo dhan loo samayn.
“Maamul goboleedyadan waa inay si adag uga hor yimaadaan qorshe kasta oo shidaalka lagu sahminayo iyadoo aan loo qaybin si cadaalad ah oo dan u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Waa lagama maarmaan in sahminta iyo soo saarista shidaalka ay si isku mid ah uga bilaabato dhammaan gobollada dalka oo dhan, si faa’iidooyinka laga helayo ay u gaaraan dhammaan shacabka Soomaaliyeed waqti isku mid ah,” ayuu yiri.
“Waa in la iska ilaaliyaa qorshe kasta oo ujeedkiisu yahay in hal gobol ama hal qabiil uu noqdo kan ugu horreeya ee ka faa’iidaysta soo saarista kheyraadka dabiiciga ah, maadaama ay tani si fudud u horseedi karto in hal dhinac uu yeesho awood dhaqaale oo aan xad lahayn.” Ayuu ku sii daray.