Muqdisho-(Puntland Mirror) Doorashada xubnaha aqalka sare ee Somaliland u matali doona dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ka bilaabmatay magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo lix iyo toban (16) musharax ayaa doorashada maanta ku tartami doona lix kursi.
Somaliland ayaa ah maamul gobleedka kaliya oo doorashadooda xubnaha aqalka sare ay harsanyihiin. Waxay ku leeyihiin kow iyo toban kursi (11) xubnaha aqalka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.