Bartamihii bishii lasoo dhaafay ayaa digteero kasoo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay waxaa lagu joojiyay hanaanka doorashada, balse asbuucii lasoo dhaafay ayaa dib loo fasaxay.
Doorashada maanta oo wali socota ayaa lagu doortay ilaa iyo hadda shan xildhibaan, taasoo ka dhigaysa xildhibaanada guud ee ilaa iyo hadda la doortay 32 xildhibaan. Puntland ayaa aqalka hoose ee Soomaaliya ku leh 37 xubnood.