Qof dadka deegaanka ah ayaa sheegay in uu maqlay dhawaaqa duqaynta.
Diyaaradaha dagaalka ayaa ilaa afar gantaal ku riday xerada milatari, sida uu sheegay qof dadka deegaanka ah.
Warsidaha Puntland Mirror si madax-banaan uma cadayn karo haddii ay jirto khasaare ka dhashay duqaynta.
Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa duqaymo joogto ah ka geystay gobolka Gedo laga soo bilaabo wakhtigii ay Kenya ciidamadeedu bilaabeen farogelinta koonfurta Soomaaliya.
Bartamihii bishii Janaayo ee sanadkii 2016-ka, Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay 100 asakri oo Kenyaati ah ku dishay xero milatari oo kutaala deegaanka Ceel Cade oo u dhow xadka u dhaxeeya labada dal. Dowladda Kenya ma aysan sii dayn tirada khasaaraha ka dhashay weerarkaas, balse Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal ku saabsan tirada askarta dhimatay.