Farmaajo oo ka codsaday shacabka in ay joojiyaan dabaaldegyada

Farmaajo oo ka codsaday shacabka in ay joojiyaan dabaaldegyada. [Sawirka: Archive]
Farmaajo oo ka codsaday shacabka in ay joojiyaan dabaaldegyada. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka ka codsaday in ay joojiyaan dabaaldegyada ay wadaan.

Shir jaraa’id oo uu xalay oo Khamiis ahayd saq dhexe ku qabtay huteel Jaziira oo uu ka deganyahay Muqdisho ayuu dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ka codsaday in uu dhammaaday wakhtigii ololaha ayna dib ugu noqdaan guryahooda.

“Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan oo runtii ay ku jiraan dabaaldeg kasoo bilowmay guushii xalay la igu doortay in aan madaxweynaha dalka Soomaaliya noqdo, guushaasi oo aan aaminsanahay in ay tahay guul ay iska leeyihiin shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan. Waa guul ay ka bilaabatay Soomaaliya midnimadeda sidaan u sheegay xalay, waxa weeye runtii guul la dagaalamaysa musuq maasuqa , waa guul ka shaqeyn doonta dowlad wanaag taasi oo ku dhisan dowladda in ay noqoto dowladd aamina, cadaalada ka shaqeysa , caawisana dadka saboolka ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceshay dadka shacabka ah dabaaldega ay u sameeyeen doorashadiisa.

“Waad ku mahadsantihiin dabaaldegiina iyo meel kasta oo aad isugu soo baxdeen. Inkastoo la ii sheegay xoogaa dhibaato ah in ay dhacday, waxay maraysaa maalintii labaad waxaan rabaa oo idin ka codsanaya in aad u fahantaan Campaynkii waa dhammaaday, waxa hadda loo gudbaya xilli shaqo oo aan doonayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay bilaabaan in ay ka wada shaqeeyaan oo shacabku ay sii wadaan kalsoonida ay siiyeen dowladdayda , laakiin dabaaldegii in uu dhammaaday oo la joojiyo wixii hadda ka danbeeya banaanbaxyadan iyo isu soo baxaan , maxaa yeelay kambaynkii waa dhammaaday waad guulaysateen wixii aad rabteen waad hesheen” ayuuyiri Farmaajo.

“Xildhibaanada sharafta leh waa idin maqleen dareenkiinii waa qaateen weyna ku shaqeeyeen dareenkiina, maxaa yeelay waxay doorteen cida aad rabteen, waxaan idin ka codsanaya oo aan wakhtigan danbe u qabtay shirkaan jaraa’id in aad walaalayaalow aad joojisaan isu soo baxa oo jidadka aad ka tagtaan,oo guryihiina aad ku noqotaan, oo howlihiina aad dib ugu noqotaan.” Ayuu ku daray Madaxweynuhu.

Ilaa maalinimadii Arbacada oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, waxaa gobolada Soomaaliya ka socday dabaaldegyo waa-weyn oo lagu soo dhaweynayo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*