Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa noqday murashixii ugu horeeyay ee magaciisa diiwaangeliya.
Diiwaangelinta ayaa socon doonta laga bilaabo 26-ka ilaa iyo 29-ka bishaan Janaayo.
31-da bishaan ayaa la filayaa in dhammaan murashixiinta is-diiwaangeliyay loo qabto dood wadaag, taasoo noqonaysa tii ugu horeysa abid ee dalka ka dhacda.
Ugu dambayna 8-da bisha soo socota ee Febaraayo ayay dhacaysaa doorashada sida weyn loo sugayo ee madaxweynaha, sida qorshuhu yahay.