“Ma jirto cid ku dhimatay balse waxaa jira dad badan oo dhaawac ah ilaa iyo hadda,” sidaa waxaa Reuters u sheegay mid kamid ah shaqaalaha gargaarka oo ka ag dhawaa goobta.
Afartan iyo afar qof ayaa saarnaa diyaaradda oo ay leedahay South Supreme Airlines.
“Qiyaastii 17 ilaa 18 dad ah oo ku dhaawacmay shilka ayaa loo qaaday isbitaalka,” sidaa waxaa Reuters u sheegay James Dimo Deng oo ah wariye ku sugan magaalada Wau.
Saraakiisha Koonfurta Suudaan wali si dhaqso ah oo faahfaahsan ugama aysan hadlin shilka.