Dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleed oo ka dhacay gobolka Sool

Puntland Mirror
1 Min Read

Deegaanka Dhumay ee gobolka Sool. [Google Map]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleed deegaanka ah ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacay gobolka Sool, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa subaxnimadii hore ka qarxay deegaanka Dhumay, oo qiyaastii 35 mayl dhanka koonfurta kaga beegan magaalada Laascaanood.

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay wararku sheegayaan.

Bishii lasoo dhaafay ee September, ayaa dagaal kan lamid ah oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed deegaanka ah uu ka dhacay halkaas.

Isku dhacyada u dhaxeeya maleeshiyooyinka maxaliga ah oo ka dhaca deegaanka ayaa waxaa sababa muran ka dhasha daaqa iyo biyaha iyo aanooyin.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *