![Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo ka qarxay magaalada Afgooye. [Sawirka: Reuters]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2016/12/download.jpg)
Qof dadka deegaanka ah oo ku sugan gudaha Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in rasaasta qoryaha laga maqlayo dhammaan qeybaha magaalada.
Dagaalka galabta ayaa bilowday kadib markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gantarool kuyaala irida laga galo magaalada, sida ay goobjoogayaashu sheegeen.
Ma jirto faahfaahin deg deg ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka galabta.
