
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dadka deegaanka Ceel-garas oo hoostagta degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa xalay oo Arbaco ahayd dilay taliyihii kooxda Al-Shabaab ee deegaanka Ceel-garas, sida ay sheegayaan wararka.
Taliyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Faarax Cali Raage. Waxaana uu Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Ceel-garas.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambaysa dilka sarkaalka Al-Shabaab, balse wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay ka xanaaqeen lacago madax-furasho ah oo taliyaha la dilay uu weydiistay wiil dadka deegaanka ah oo uu maxbuus ahaan u haystay.
Maleeshiyada Al-Shabaab wali kama aysan hadlin dilka taliyahoodii deegaanka Ceel-garas.