![Commandoska Mareykanka oo 14 maleeshiyo ururka Al-Qaacida katirsan ku dilay weerar ay ka geysteen gudaha dalka Yeman. [Sawirka: Archive]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/01/army.mil-71158-2010-04-25-130445.jpg)
Mid kamid ah ciidamada Mareykanka ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen intii uu socday weerarkaas.
Dhowr diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah ayaa lagu waramay in ay ka qeyb-qaateen weerarka oo ka dhacay gobolka Al-Bayda.
Saddex hoggaamiye oo katirsanaa Al-Qaacida ayaa lagu dilay weerarka oo socday 45-daqiiqo.
Kani waxa uu noqonayaa weerarkii kowaad oo noocaan ah tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu xafiiska la wareegay 20-kii bishaan Janaayo.
