Ciidamada ayaa ka xanaaqsan kadib markii dowladdu ay ku guuldareysatay in ay bixiso mushaarkooda muddo ka badan hal sanno, sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.
Tani ayaa imaanaysa wax ka yar saacado kadib markii ciidamo dalbanaya mushahaar ay qabsadeen kantaroolada koonfureed iyo bari ee magaalada Garoowe.
Labadii sanno ee u dambaysay, magaalooyinka Puntland ayaa goobjoog u noqday gadood ka dhashay mushahaar la’aan soo wajahday ciidamada iyo duruufo kale.