Masuuliyiinta Puntland ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in ciidamadu ay u joogaan gobolka si ay u joojiyaan dadaalada Somaliland ay ku doonayso in ay sanaadiikhda cod bixinta ku keento deegaanka.
Ciidamada ayaa saldhigyo milatari ka sameystay tuulada taariikhiga ah ee Taleex ee gobolka Sool, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Horaantii asbuucaan, Puntland ayaa ciidamo badan u dirtay gobolada Sool iyo Sanaag.