Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ayaa dib ula wareegay magaalada Af-urur ee gobolka Bari, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters maanta oo Jimce ah, iyada oo soo xiganeysa saraakiil milatari.
Kabtan Siciid Maxamed Diiriye ayaa Reuters u sheegay in ciidamada ay dib u qabsadeen Af-urur iyaga oo aan la kulmin wax iskacaabin ah.
Magaalada ayaa qiyaastii 90 kiilomitir kaga beegan koonfurta Boosaaso, oo ah magaalada ganacsiga Puntland.
Bishii lasoo dhaafay, Al-Shabab ayaa qabsatay Af-urur kadib markii ay ka baxeen ciidamada Puntland.