Markii hore, Somaliland ayaa madaafiic ku soo riday kadib markii ciidamada Puntland ay aaga ka sameeyeen dhaqdhaqaaq. Ilo-wareedka katirsan Puntland ayaa sheegay in ay iyaguna dib u rideen madaafiic kale.
Si kastoo ay ahaataba, xaalada ayaa hadda degan, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.
Xaalada ayaa timid kadib markii ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu safar ku tagay Garoowe iyo Hargeysa uuna la kulmay hoggaamiyaasha Puntland iyo Somaliland si uu iskugu dayo dadaaladiisii ugu dambeeyay si uu u dhammeeyo ismari-waaga ciidan ee uu dhaxeeya labada dhinac.