![Ciidamada maamulka Jubbaland oo dib u la wareegay degmada Buulo-guduud. [Sawirka: Archive]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/01/ciidanka-Jubbaland.jpg)
Kahor inta aysan ciidamada is-garabsanaya gudaha u galin degmada, labada dhinac ayaa ku dagaalamay duleedka Buulo-guduud, sida ay wararku sheegayaan.
Buulo-guduud ayaa ah degmo yar oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyiga kaga beegan magaalo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Ma jiraan warar madax-banaan oo sheegaya khasaaraha ka dhashay dagaalka ilaa iyo hadda.
Al-Shabaab ayaa dibada looga saaray magaalada Kismaayo bartamihii 2012-kii balse wali waxay ku suganyihiin meelo badan oo kuyaala gobolada Jubbooyinka.
